Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo fahamka macluumaadkan ama aad rabto turjubaan, wac 800-464-4343 si aad u hesho taageero lacag la'aan ah. Riix 1 si aad u hesho turjubaan lacag la'aan ah.

Daawo muuqaal ku saabsan sida loo isticmaalo websaytka: Soomaali (Somali)

Jadwalka dhukumiintiyada la turjumay

Jadwalka hoose waxaa ku jira dhukumiinti ay ku jiraan macluumaad caafimaad oo muhiim ah oo ay Waaxda Caafimaadku u turjuntay luqadaada. Turjumaadan waxaa turjumay xirfadle turjumaan ah.

Sida loo isticmaalo jadwalka hoose

Ku qor sanduuqa raadinta ee ka sareeya miiska si aad ugu raadiso eray kasta oo lagu isticmaalo Ingitiisi ama cinwaanka faylka. Waxaa sidoo kale ku kala saari kartaa cinwaanka deegaanka la turjumay (Translated Title) ama Cinwaanka Ingiriisiga (English Title) adigoo riixaya mid kamid ah ciwaanadaas.

Isticmaalka Google Translate

Waxaa jira macluumaad kale badan oo caafimaad oo ku jira websaydka HealthVermont.gov oo aad u isticmaali karto Google Translate si aad u aragto tarjumaad ootomaatiga ah ee websaytka dhan ah iyo foomam khadka onlaynka ah ee badan. Si aad midaas u samayso, ka dooro “Select Language” dhinaca midig ee u sareeya boga.

Akhri wax badan oo ku saabsan Google Translate

Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo fahamka macluumaadka Waaxda Caafimaadka?

Waxaad xaq u leedahay adeegyada turjumaad ee lacag la'aanta ah. Iimayl u dir AHS.VDHPublicCommunication@vermont.gov si aad u hesho adeegyada luuqada oo lacag la'aan ah.

Akhri wax badan oo ku saabsan helitaanka macluumaadka la heli karo.

Wax badan oo ku saabsan Google Translate

Google Translate wuxuu isticmaalaa barnaamijyo kumbuyuutaro si kuugu turjumo luuqadaha. Ma uu turjumi karo dhammaan xogaha. Turjumaada waxaa laga yaabaa inaysan ahayn mid ka turjumaysa waxa ay ka micnaysan tahay ama sax ahayn.

Ma jiro turjumaad ootomatig ah (oo lagu sameeyo barnaamijyada kombuyuutar) oo sax ah oo looguma talagelin in badasho tarjumayaasha aadanaha. Isticmaalka Google Translate waxaa loo bixiyaa adeeg ahaan isticmaalayaasha websaytka waxaana lagu bixiyaa "sida ay tahay." Ma jiro wax damaanad qaad ah nooc kasta ha ahaadee, ha ahaato mid la cadeeyey ama aan cadayn, oo algu sameeyay saxnaanta, isku halaynta, ama saxnaanta mid kamid ah tarjumadahan laga soo turjumay Ingiriisiga oo loo turjumay luuqad kale. Nuxurka qaarkiis ayaa laga yaabaa inaan si sax ah loo turjumin sababtoo ah xadidnaanta tarjumaada ee softiweerka.

Last Updated: